Saraakiil iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood

Abbaan-duulihii Qeybta 7aad ee ciidamada Somaliland oo dhawaan la magacaabay iyo ciidan uu hogaaminayo ayaa ka goostay Somaliland.

Waxa ay ku biireen dhinaca SSC-Khaatumo, iyagoo ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe oo bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood.

Ciidamadan ayaa fariisin ku lahaa degaanka Samakaab iyo Yagoori oo ay joogeen, waxayna qeyb ka yihiin ciidamo kale oo 2dii maalmood ee lasoo dhaafay ku biiray dadka degaanka.

PUNTLAND POST