Cawad oo dhaliilay madaxda dowladda federaalka iyo Puntland

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhaliilay hadalada xanafta leh ee maalmihii ugu danbeeyey hawada isu marinayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kuwaasoo xaaladda maanta Soomaaliya ku jirto haba yaraatee aan wax tar u ahayn.

“Soomaaliya maanta uma baahna far isku fiiq iyo in hadallo wax kala fogaynaya hawada la isu mariyo, balse waxay u baahan tahay wada hadal dhab ah oo wax taraya iyo in danta dalka iyo dadka si wada jir iyo is fahan leh looga wada shaqeeyo mustaqbalka iyo muuqaalka guud” ayuu yiri Cawad oo wareysi siiyay SMS Somali TV.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waa dowladdii dalku lahaa, Puntlandna waa degaan muhiim ah oo ay tahay in tix galin weyn la siiyo. Waaxaa lama huraan ah in degdeg danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed si kal furan looga wada shaqeeyo horayna wada jir loogu socdaa is maandhaafka jirana lagu badalaa wada shaqayn iyo is fahan, waayo waxa aan ku midaysan nahay ayaa ka weyn waxaa yar ee lagu kala aragtida duwan yahay. Waxaa loo baahan yahay in si ka fiirsi iyo deggenaansho leh mar walba xaaladda dalka loo wajeho caadifadana meel la iska dhigo. Waxaa la joogaa waqtigii wax sixidda iyo dib u qaabaynta dalka guud ahaan” ayuu raaciyay.

Dhanka kale Axmed Cawad wuxuu dhaliilay hadaladda la jarjaray ee sida khaldan baraha bulshada loo wareejinayo kuwaas oo ah marin habaabinta bulsho.

Amb. Cawad ugu danbeyn wuxuu si guud iyo si gaar ahba ula hadlay dadka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo nabadda iyo horumarka dalka laga wada shaqeeyo.

PUNTLAND POST