
Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka been abuurka ah ee Muuse Biixi ku sheegay in ciidamada Puntland ka dagaallamayaan Laascaanood.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku caddeeyay in aysan marna ciidamada Puntland qayb ka noqon colaadda ka taagan Laascaanood.
” Ciidamada Puntland ka socda dagaalka Laascaanood qayb kama ahan. Muuse Biixi dadkii uu dulmiyay ayaa hubka qaatay oo iska celiyay balse dowladda Puntland kuma jirto” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Dirir oo su’aal laga weydiiyay halka ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay difaac kaga jiraan buuraleyda Golis iyo Calmis halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.