Garaad Jaamac Garaad Cali oo jawaab rasmi ah ka bixiyay eedayn uga timid Somaliland

Garaadka guud ee Gobollada SSC-khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedaynta Somaliland ka timid ee ku saabsan in garaadadu aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo nabad

“Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay, ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabadgalyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadhaa wadahadal kii ayuu diiday” ayuu yiri Garaadka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Somaliland, inta ciidamada soo duulay ee Taliskaasi ay ku sugan yihiin duleedka Laascaanood, islamarkaana duqaynta ku hayaan magaalada.

Garaadka ayaa hoosta ka xarriiqay in wada-hadal iyo xabbad-joojin ku imaan karto keliya, marka ciidamo beeleed Somaliland ee soo duulay laga dulqaad Laascaanood, oo ay ku noqdaan xuduud beeleedka la yaqaan ee Isaaq iyo Dhulbahante.

PUNTLAND POST