Hargeysa (Wararka PP) — Yaasiin Xaaji Maxmeed Xiir oo deggan dalka Uk, laakiin sheegta inuu yahay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanka la socda Muuse Biixi markii uu u soo socday goobta uu Biixu khubbadda ka jeedinayay. Faratoon oo dad badan u sheegay inuu ku sugan yahay dalka Biritayn ayay maanta qabatay kaamarad telefishinka Somali Cable.
Faratoon waa siyaasiga keliya la socday Biixi una ah adeer Mahad Cambaashe. 20 sano ka hor ayuu Faratoon ciidanka Somaliland keenay Yagoori. “Wuxuu hadda rajo ka qabaa in ciidamada Somaliland ay dib ugu soo celiyaan Laascaanood caaglayaashii Mahad Caambaashe oo intii ka hartay oo aan badnayn ah dhibaato saaka ka geysteen Tuulo Samakaab saaka” ayuu yiri nin ku sugan Yagoori.
Faratoon oo muddo dadku u malaynayeen inuu ka gaabsaday colaadda socota ayaa hadda soo wajahaya dacwad kaga furmi doonta dalka Biritayn. “Farartoon maanta way ku caddaatay inuu raalli ka yahay duqeyntii Laascaanood loo geystay. Sidaas darteed meel uu ku dhuunto ma laha. Isagoo da’daas ah ayuu doortay inuu godob aan ka harayn galo” ayuu yiri xubin ka mid Golaha Deegaanka Laascaanood.
Wuxuu dalka Biritan ku yimid baasadboor Soomaaliyeed inkastoo uu hadda taageersan yahay mabda’ gurracan oo koox Soomaaliya qarimmadeeda ka soo horjeedda ay wadaan. “Qof dhalasho Birtish la siiyay waa lagala noqon karaa dhalashada oo lagu celin karaa Muqdisho haddii uu jebiyo ballaanqaadkii lagu siiyay dhalashada oo ah inuusan taageerin gabool siyaasadeed” ayuu yiri sharci-yaqaan ku sugan London.
Beesha Caalamka oo ay Biritayn ka mid ah tahay waxay dhowr jeer ugu baaqday Muusi Biixi inuu ciidankiisa kala baxo Sool. Wariyayaasha telefishinnada khudbadda ka soo warramayay ayaa laga hubiyay in sawirka Faratoon uusan ku jirin muuqaallada ay dirayaan in kastoo Somali Cable ay si lama filaan ah sawirka Faratoon ugu soo dartay warka ku saabsan khudbadda uu Muuse Biixi maanta jeediyay.
© Puntland Post, 2023
You must be logged in to post a comment.