
Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuhoodle Nasteex Tuur oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Burco ayaa maanta oo Axad ah ka goostay Somaliland.
Guddoomiye Nasteex Tuur oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Yeyle ee galbeedka Gobolka Sool.
Mudane Nasteex ayaa dadkii soo dhaweeyay u mahadceliyay waxaana uu sheegay in uu ku biiray xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu afar gaadiidka dagaalka ah kala soo goostay Somaliland islamarkaana ku wareejinayo SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.