
Siyaasiyiin saamayn xooggan ku leh Puntland oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dowladda Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Garoowe.
Siyaasiyiinta ku wajahan Garoowe waxa sidoo kale kamid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dagaal siyaasadeed adag kala dhexeeyo madaxweyne Siciid Deni.
Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in siyaasiyiintan Garoowe u imaanayaan sidii looga hortegi lahaa qorshaha madaxweynaha Deni uu wax ka beddelka ugu samaynayo Dastuurka Puntland.
Imaatinkooda ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli ay xalay golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen soo jeedin ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.