Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulan gaar ah kula yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Puntland.

Qoraal xalay ka soo baxay madaxtpoyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada sida Daraawiishta, Booliska, Sirdoonka iyo Asluubta.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulankaas uu ku saabsanaa dardar gelinta amniga guud ee Puntland, islamarkaana madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay saraakiisha ciidamada.

Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

PUNTLAND POST