Milatariga Soomaaliya ayaa saaka hawlgal qorshaysan oo uu ka fuliyay duleedka degmada Xarardheere ku dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa wareysi uu siiyay Telefishka dowladda (SNTV) ku xaqiijiyay warkaas.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay degaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30km dhanka koonfur kaga beegan degmada Xarardheere.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hawlgalkaas Al-shabaab lagaga furtay hub iyo gaadiid dagaal oo uga yimid dhanka dalka Yemen.
PUNTLAND POST