Xukuumadda Puntland ayaa Todobaadkan si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa hadal uu jeediyay Axaddii ku bayaamiyay mowqifka dowladda Puntland ka taagan tahay hirgelinta SSC-Khaatumo.
Wasiir Maxamed Siciid ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Deni ay aqoonsan tahay go’aanka kasta oo ka soo baxa Isimada dhaqanka SSC islamarkaana ku taageerayso.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in Puntland ay mowqifkaas ku wargelisay wakiilada Beesha Caalamka taasina keentay in markii danbe Beesha Caalamkuna ku raacdo Puntland.
Halkan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST