Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo si adag uga digay in la furo Dastuurka Puntland

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa gebi ahaanba ka horyimid in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole oo sidoo kale ah Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Horseed ayaa si adag uga digay in la furo Dastuurka Puntland.

Sen. Faroole ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu doonayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Qodoba kamid ah Dastuurka Puntland islamarkaana dano siyaasadeed ka raadinayo Arrintaas.

” Waxaan rumaysnahay dastuur la faro-fareeyo waqtiga hadda ah iyada oo dowladda waqtigeedii bilo ka hareen in hadhow ay keeni karto dhimaato aan laga bixi karin. Dowladda Saciid Cabdullaahi Deni madaxda ka yahay haka waantowdo oo haka joogsato” ayuu yiri Sen. Faroole.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST