Madaxweynaha dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.
Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta bisha May ku wajahan Addis Ababa waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Inkastoo aan weli xog sugan laga helin Ajandaha Kulanka labada dhinac haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca Siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland.
PUNTLAND POST