Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.
Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.
Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in xabbad-joojinta ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah dalka.
Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.
PUNTLAND POST