
Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan saaka ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 ruux ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.
Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarad Qaas oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday dalka Koofurta Suudaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay in ay weli ku howlantahay sidii dalka looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadaha waddanka Suudaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.