
Xukuumadda Puntland ayaa digniin adag ka bixisay roobab mahiiggaan ah, oo sida saadaashu muujinayso ku soo wajahan degaannada Puntland.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay Roobabkaas ku wajahan yihiin magaalooyin ay kamid tahay Qardho.
Dhammaan degaannada kala duwan ee Puntland miyi iyo magaalo-ba, gaar ahaan dhulka xeebaha ayaa sidoo kale wasaaraddu ku wargelisay in ay ka digtoonaadan meelaha biya mareenka ah.
Wasaaradda oo xiganaysa tix-raacaysa xogta Saadaasha Hawada ayaa sidoo kale sheegtay in Roobabkaas la filan karo in ay da’aan ilaa 30 April.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.