Joe Biden oo ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo doorashada 2024

Madaxweyne Joe Biden ayaa maanta ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo doorashada 2024.

Madaxweyne Biden oo da’diisu tahay 80 sano jir ayaa sheegay in uu doonayo in uu dhammeystiro shaqo qabyo ah’ sida uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

“Jiil kastaa wuxuu leeyahay waqti ay u istaagaan dimuqraadiyadda, si ay ugu istaagaan xorriyaddooda aasaasiga ah, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay annaga, waana sababta aan ugu tartamayo inaan mar kale noqdo madaxweynaha Mareykanka. nagu soo biir. Aan dhammeystirno shaqada” ayuu yiri Joe Biden.

Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024.

PUNTLAND POST