Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyo ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.
” Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May, Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonaan Nairobi” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga.
Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda Kenya ku baaqday in la bilaabo wada-hadal.
Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August.
PUNTLAND POST