Villa Somalia oo samaynaysa isbaheysi mucaarad ah oo ka dhana Siciid Deni

Villa Somalia ayaa bilowday abaabulidda siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni.

Villa Somalia ayaa sida la xaqiijinayo raadinaysa in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhammaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Siciid Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxtooyada Soomaaliya dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan si ay culays siyaasadeed u saarto Puntland.

Tallaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii xukuumadda Deni ay xiriirka u jartay Villa Somalia sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed.

PUNTLAND POST