Shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ayay ciidamada Mareykanku ka daad-gureeyeen caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
” iyagoo fulinanaya Amarkayga, millatariga Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal ay Khartuum kaga soo saareen shaqaalaha Dawladda Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.
Dagaallada u dhaxeeyo ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo galay todobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.
Saacado ka hor, kooxda dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee RSF waxa ay ku dhawaaqday in ay howlgalka militariga Mareykanka oo ka kooban lix diyaaradood kala shaqeysay sidii Suudaan looga daad-gureyn lahaa diblamaasiyiinta Mareykan ah iyo qoysaskooda.
Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa loo qaaday goob aan la shaacin oo ku taal Itoobiya, sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo wax badan kala socda howlgalka daad-gureynta, waxaana ilaa iyo hadda la rumeysan yahay tirada laga saaray Suudaan in ay gaarayaan ilaa 70 qof oo Mareynkan ah.
PUNTLAND POST