Waare: Al-shabaab waxay malaayiin lacag ah ku bixinaysaa sidii loo bedeli lahaa guddoomiye Jeyte

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka ahaana madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Al-shabaab malaayiin lacag ah ku bixinayso sidii loo bedeli lahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Waare ayaa sheegay in bedelka Jeyte ay tahay mid u hiilinaysa Al-shabaab, isagoo ka codsaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uusan tallaabadaas qaadin.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Gudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!” ayuu Waare gacankiisa Twitter ku qoray.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu xasuustaa dagaaladii uu hormuudka u ahaa ee gobolka Hiiraan lagula galay ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST