Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taas oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.
Magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa gelinkii hore ee Jimcihii ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.
“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga… in la furo waddooyin si loo daadgureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khamiistii codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.
PUNTLAND POST