Shabakad qaraxyo diyaarinayay oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Laamaha Puntland iyo Galmudug oo is kaashanaya ayaa sida la xaqiijinayo magaalada Gaalkacyo ku qabtay shabakad argagixiso ah oo diyaarinaysay qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Qabashada shakabaddan ayaa daba socotay kadib qarax todobaadkan ka dhacay Gaalkacyo dhinaca Galmudug kaas oo gacanta lagu dhigay ninkii fuliyayay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga.

Intaas kadib Ciidanka ayaa u daatay guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo waxaana lagu qabtay xubnihii kale ee shabakadda oo diyaarinayay qaraxyo sida ay noo sheegeen saraakiisha.

Guriga ayaa laga soo guray qaraxyo diyaarsan oo lagu fulin lahaa weerarro qorshaysan iyo sidoo kale bistoolado ay isticmaayeen shabakaddan gacanta lagu dhigay oo weli baaritaan ku socdo.

PUNTLAND POST