Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday cutubyo ka tirsan ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ayaa la sheegay in ay maalmaha soo aaddan u ruqaansan doonaan deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan howlgalka pagu dagaalamayo Al-shabaab, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST