Kumannaan qof ayaa ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii lixaad.
Qaxa ayaa yimid, kaddib marki Talaadadi uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalin oo dagaal culus uu ka socday Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha la ah.
Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada.
Dadka qaar ayaa maalayay cagahooda, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkaan ayaa u qaxay magaalooyin kale ee dalka ee ka nabaddoon colaadda.
PUNTLAND POST