
Hay’adda xuquuqda Insaanka ee Amnesty International ayaa maanta soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay xasuuqa ka baxsan banii’aadanimada ee ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood.
Hay’adda Amnesty International oo baaritaan gaar ah ku samaysay dagaalka Laascaanood ayaa caddaysay in ciidamada Somaliland si ba’an oo aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadka rayidka ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka.
Baaritaanka hay’adda ayaa lagu ogaaday in ciidamada Somaliland ay shacabka Laascaanood u adeegsadeen hub mamnuuc ka ah in loo isticmaalo goobaha rayidka islamarkaana si aan kala sooc lahayn ugu duqeeyeen xarumo ay kamid yihiin isbitaallo iyo maasaajid.
Ciidamada Somaliland ayaa Laascaanood ku dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah waxaana ay ku dhaawaceen ilaa 600 oo ruux halka ay bara-kiciyeen 154,000-203,000 kun oo dayid ah sida ay xaqiijisay hay’adda Amnesty International.
Hay’adda ayaa Amnesty ayaa dalbatay in baaritaan deg deg ah oo madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan xad-gudubyada ka baxsan banii’aadanimada ee ka dhacay Laascaanood si loola xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah gabood-falkaas.
Halkan ka akhriso warbixinta Amnesty
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.