Xoogaga SSC-Khaatumo ayaa dhanka waqooyi furin horleh kaga furay ciidamada Somaliland ee fadhiya duleedka Laascaanood.
Cutubyo ka tirsan ciidanka SSC-khaatumo ayaa saacadihii u danbeeyay ku sii gurmaya dhuuxa dhoodida ee dhinaca waqooyi ka xigta Taliska Dhuxun ee Ciidamada Somaliland.
Xoogagga SSC oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegayo durba saldhigyo ciidan ka samaystay dhoodida.
Jidadkii muhiimka ahaa ee dhoodida qaarkood ayaa hadda u muuqda kuwa ka soo xirmay Ciidamada Somaliland taas oo ku keenaysa culays xooggan.
PUNTLAND POST