Puntland oo ruqsadii shaqo kala laabatay hay’ad maxalli ah

Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa ruqsadii Shaqada kala laabatay Hay’adda Sadar Development And Resilience Institute.

Wasaaradda ayaa Hay’addaas ku eedaysay in ay ku xad gudubtay xeerka ururada Samafalka aan dowliga ahayn balse faahfaahin intaa dhaafsiisan ma bixin.

Sidoo kale Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa NGO-yada  iyo Hay’adaha ka howla gala gudaha Puntland uga Digtay in ay baal maraan xeerka ururada samafalka aan dowliga ahayn.

PUNTLAND POST