
Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka dalbaday in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiso dagaalka Laascaanood.
Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana ciidamada loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.
” Saaxiibada ayaa carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey” ayaa lagu yiri bayaankaas.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.
Saaxiibada bayaanka soo saaray ayaa ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.