Dagaal ka qarxay caasimadda Suudaan ee Khartuum

Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa caasimadda Suudaan ee Khartuum kaddib maalmo ay xiisadi ka dhex taagneyd ciidamada qalabka sida iyo ciidamada gurmadka degdega ah ee dalkaas oo loo yaqaano RSF.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka dhacay agagaarka xarunta taliska ciidamada Suudaan, wasaaradda gaashaandhigga, iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum.

Ciidamada RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta madaxtooyada, hoyga taliyaha ciidanka iyo garoonka caalamiga ah ee Khartuum, sidoo kale waxay sheegeen in ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee waqooyiga magaalada Meroowe iyo Ceel-cubeyd ee galbeedka.

Weli lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan ee ka qarxay dalkaas.

PUNTLAND POST