Boqor Charles oo oggolaaday baarista xiriirkii Boqortooyada iyo ka ganacsigii Afrikaanka

London (Wararka PP) — Boqor Charles, oo dhowaan la caleema-saari doono, ayaa muujiyay inuu taageerayo baaris lagu sameeyo xiriirkii ka dhexeeyey Boqortooyada Biritishka iyo ka ganacsigii dadkii Afrikaanka uu Biritishku addoonsaday.

Wargeyska maalinlaha ee The Guardian ayaa la xiriiray lana wadaagay Qasriga Buckingham xog ku saabsan saami Boqortooyada Biritishku ku lahayd shirkad ka ganacsan jirtay iibinta iyo dhoofinta Afrikaanka.

Dhowaan The Guardian ayaa helay qoraal caddaynaya in saami gaarayay 1000 gini (£1000) uu Edward Colston, guddoomiye ku xigeenkii shirkaddii Afrikaanka ka ganacsan jirtay Royal African Company, uu u diray Boqor William III sanadkii 1689kii.

Caddaynta saamiga Boqortooyada Biritishku ku lahayd Royal African Company oo ka ganacsan jirtay soo qabashada iyo dhoofinta Afrikaanka.

Sanadkii hore Boqor Charles (oo xilligaas Amiir ahaa) wuxuu soo jeediyay in ka ganacsigii Afrikaanka lagu barto dugsiyada si la mid ah sida loo barto xasuuqii Hitler u geystay Yuhuudda (Holocaust). Waa markii kowaad oo si cad loo soo bandhigay kaalinta Boqortooyada faca weyn ku leedahay ka ganacsigii dadka Afrikaanka.

© Puntland Post, 2023