Cudur naadir ah oo laga qaado shimbiraha oo laga helay dalka Shiinaha

Haweeneey u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay oo u dhinta nooc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunkan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka.

Haweeneyda u dhimatay cudurkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.

Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan.

PUNTLAND POST