Muqdisho (Wararka PP) — Dagaalka Laascaanood wuxuu billowday 6/2/2023. Wuxuu socdaa laba bilood. Ka sokow saamaynta dhaqaale uu abuuray dagaalku kaddib markii isu socodkii Sool iyo gobollada kale ee waqooyiga uu istaagay, dagaalku wuxuu kale oo saameeyay siyaasaddii arrimmaha dibedda ee dalka Maraykanka. Bishii Diseembar ee 2022kii dowladda Maraykanku waxay ku dhaqaaqday hirgelinta hindise sharci noqday oo loo yiqiin Iskaashiga Amni ee Somaliland (Somaliland Security Partnership) kaas oo uu Maraykanku ku doonayay inuu iskaashi amni kula yeesho maamulka goosashada doonaya oo aan aqoonsanayn qarannimada Soomaalida.
Dowladda Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa hindisahaas ku taageertay Maraykanka. Madaxwene Xasan wuxuu u hiilliyay Somaliland isagoo ka soo horjeestay xaqa metelaadda heer federaal ee Puntland oo qaar ka mid ah dhulka dastuur ah uga tirsan Puntland ku jira gacanta Somaliland.
Dagaalka ka dhacay Laascaanood ayaa gebi ahaanba ku qasbay Maraykanka inuu ka noqdo Somaliland Security Partnership. Tallaabadan waxaa ku xigay baaqii Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Maraykankau ugu baaqday Somaliland inay ciidammadeeda kala baxdo duleedka Laascaanood.
Dagaalka Laascaanood wuxuu bannaanka soo dhigay sida dowladda federaalku u jebisay dastuurka dalka kaddib markii ay oggolaatay in dal kale uu iskaashi amni la yeesho qeyb ka mid ah Soomaaliya oo diiddan qarannimada Soomaaliya.
Saamaynta kale oo uu dagaalku yeeshay waa in Somaliland ay gebi ahaanba lumisay fursaddii ay hore u haysatay oo ahayd in maadaamaa ay Laascaanood maamulaysay inay ku hadli kartay magaca waqooyiga marka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay socdaan. Tan kale, maamulka Somaliland wuxuu iibin kari waayay sheekada in ay argagixiso ku sugan tahay Laascaaanood. Duqeyntii ciidanka Somaliland u geysteen Laascaanood ayaa siyaasad ahaan go’doomisay Muuse Biixi oo dhowaan sheegay in kala goynta Soomaaliya uu xalku yahay, qirtayna in dagaalku ku saabsan yahay xuduudihii maxmiyaddii Soomaalida ee Biritishka. Dagaalka Laascaanood wuu ka saameyn-weyn yahay dhanka siyaasadda dagaalkii qabqablayaashii Muqdisho taliskoodii lagu soo afjaray 2006.
Bishan Abriil 7deedii dowladda Maraykanku waxay soo saartay Amar Fulin Ah ( Executive Order) oo Soomaaliya ku tilmaamay dal halis ku ah siyaasadda arrimmaha dibedda iyo danaha Maraykanka. Isburinta siyaasadda Maraykanku waxay dhaawac u geysatay maamulka Madaxweyne Joe Biden oo ugu dambayntii maamulkiisu laalay iskaashi amni uu xisbiga Jamhuurigu soo jeediyay in maamulka Somaliland lala yeesho, go’aankaas oo xitaa ceeb u keenay Madaxweyne Xasan Sheekh oo jebiyay dhaarta uu ku dhaartay inuu dhowrayo qarannimada Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxay adeegsatay laba siyaasadood oo iska hor imanaya: waxay taageertay Baaqii Laascaanood uguna baaqday maamulka Somaliland inuu dhowro mabda’a in maamul ku dhisan yahay oggolaansho (consent), kaddibna waxay magacawday ergey qaabbilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. “Kaalinta dowladda federaalka iyo kooxda Damuljadiid waa isku dir. Muqdisho ma sii ahaan karto meel talo Soomaaliyeed lagu hayo” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan.
© Puntland Post, 2023
You must be logged in to post a comment.