Khilaaf ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland

Khilaaf ayaa ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ururkaas.

Laba xubnood oo kamid ah as’aasayaasha urur siyaasadeedka Mideeye ayaa warqad ay u qoreen guddiga KMG doorashooyinka Puntland waxay ku caddeeyeen khilaafka jira.

Xubnahan ayaa ka codsaday guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland in uu go’aan ka gaaro sharciyadda iyo jiritaanka ururka Mideeye maadaama khilaaf hareeyay ururka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in khilaafkan ka yimid kadib markii guddoonka ururka iyo golaha dhexe oo mudda xileedkoodu dhammaaday ay soo gudbiyeen liisas aan heshiis lagu ahayn.

PUNTLAND POST