
Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Antonio Guterres iyo wefdiga uu hoggaaminayo waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya Abshir Cumar Huruuse iyo madax kale.
Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe, Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka.
Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.