Rasaas khasaare sababtay oo dhex martay Booliska Garoowe iyo kooxo hubaysan

Rasaas goos goos ah ayaa gelinkii danbe ee xalay laga maqlay xaafado ka tirsan caasimadda Garoowe.

Wararka ayaa tilmaamaya in rasaastaas ay dhexmartay ciidanka Booliska iyo kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha khamriga.

Inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta labada dhinac rideen.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin kamid ah kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Maandooriyaha khamriga oo muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe ayaa mararka qaarkood sababa dhacdooyin amni-darro.

PUNTLAND POST