Madaxweynaha Jubaland oo hadal u jeediyay ciidamo la diriray Al-shabaab

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaano dhawaan la laga wareegay Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Al-shabaab ay muddo dheer ka talinayeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlay cutubyo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanadan ay heleen nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali joogaan Al-shabaab in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Wuxuu intaas ku daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Clciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka deegaanka ka hor inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si buu yiri neecowda dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

PUNTLAND POST