Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweyne Xasan oo dhowaan magacaabay ergeyga wadahadallda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bandhigay qorshe uu kaga dhaadhicinayo beesha caalamka in wadahadallada loo galo Koonfur iyo Waqooyi. Hindisihiisan oo aan ku sargo’nayn dhabta siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu bannaanka soo dhigay in dowladda federaalka Soomaaliyeed ay is bahaysi beeleed ka doorbidday ilaalinta qarannimada Soomaaliya. Xamar oo weli ah magaalo aan wax ka qaban boobkii iyo barakicintii 1991kii waxay mar kale qaadday waddo si ba’an u kala dhantaali karta midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
Guddiga 33 ee SSC ayaa hadda ku baraarugay dibindaabyada ay dowladda Xasan Sheekh ku samaysay dadka Laascaanood. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo mabda’ is bahaysi beeleed Hargeysa aammisan ayaa doonaya inuu ku doodo in SSC ka mid tahay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh wax qabta ma leeyahay?“ ayuu yiri nin la taliya guddiga 33 ee SSC. Hoggaanka SSC aya soo dhoweeyay magacaabista Cabdikariim Guuleed, ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo ku dooday in dowladda federaalku ku metesho SSC wadahadallada. Maamulka Puntland ayaa soo gudbiyay diidmo qodobaysan oo ku saasan magacaabista ergeyga.
© Puntland Post, 2023
You must be logged in to post a comment.