Israa’iil ayaa weerarro cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyo marinka Qaza

Milateriga Israa’iil ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyo marinka Qaza ka dib weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday deegaanno kamid ah dalkaasi.

Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay duqeysay koobfurta Lubnaan,sida ay ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay maanta, iyadoo sheegtay inay beegsanayso goobo ay ku sugnaayeen Xamaas.

Saacado ka hor, waxa ay duullaan ku qaadday Gaza, oo ah deegaan ay leeyihiin Falastiin oo go’doonsan,isla markaana ay maamulaan Xamaas.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaaraha ka dhashay weerarada xagga cirka ah.

Xiisadaha soo  kordhay ayaa daba socda  kadib markii ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus , iyagoo weerarro ku qaaday dad Falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay gudashada cibaadada Alle ee bisha  Ramadaan.

PUNTLAND POST