Puntland oo ka hortimid khidmado dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta

Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid khidmadda dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu caddeeyay in aanu go’aankaasi khusayn dhinaca Puntland.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa sidoo kale ku wargelisay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala degaannada Puntland in aysan u hoggaansamin go’aankaas.

PUNTLAND POST