
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabaan Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.