SSC-Khaatumo oo ka hadlay dagaalka maanta ka socda duleedka Laascaanood

Hoggaanka sare ee SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay dagaalka maanta ka socda duleedka Laascaanood

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay saaka weerar dhawr jiho ah ku soo qaadeen magaalada Laascaanood islamarkaana ay iska difaaceen xoogaga SSC.

“Ciidamada Xag-u-dirirka Shacabka SSC oo mar walba diyaar u ah difaaca deegaanka, nafta iyo maalka shacabkooda ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay iskana caabbiyey weerarrada Maleeshiyadu ay soo qaadeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Somaliland ay caadaysteen duqayma aan kala sooc lahayn oo ay la dhacayaan gudaha Laascaanood kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha dadweynaha.

“Weerarrada is maqiiqa ah ee ay marwalba soo qaadaan iyo duqaymaha aan kala sooca lahayn ee ay caadaysteen in ay guud ahaan magaalada iyo goobaha dadweynaha la dhacaan waxa ay caddayn u yihiin sida uu maamulka Hargeysa diyaar ugu ahayn in uu dagaalku joogsado” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka.

Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kape Beesha Calaamka iyo Bulshada Soomaaliyeed u caddaynayay in aanay marna weerar ku ahayn cid kale iyo degaan kale toonna, balse ay u taagan yihiin ina ay duulaanka gardarrada ah ee Malayshiyada Somaliland ka difaacaan naftooda iyo deegaankooda.

PUNTLAND POST