Maraykanka oo maamulka Somaliland ugu baaqay in uu ciidamadiisa kala baxo jiidda Laascaanood

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Taliska Muuse Biixi in uu Ciidamadiisa dib uga la baxo nawaaxiga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa dib ula baxo si loo dhaqan-geliyo xabbad-joojin.

” Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland in ay dib u soo celiso ciidamadeeda. Waxaana sidoo kale ciidanka ku sugan Laascaanood ugu baaqaynaa in aysan weerarin kuwa Somaliland” ayaa lagu yiri bayaankaas.

Maraykanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay doorka dowladda Soomaaliya iyo imaatinka ergada odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee nabad-raadinta colaadda magaalada Laascaanood.

Bayaanka uu soo saaray Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu aqbalay in uu Hargeysa kula kulmo ergada nabad-raadinta odayaasha dhaqanka.

PUNTLAND POST