Dowladda Soomaaliya oo hakisay soo dejinta Mooto Bajaajta

Muuqaal: Go’aanka Golaha

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey qaraarka nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta.

Qaraarka lagu xadidayo Mooto Bajaajta oo ka kooban shan qodob ayaa u dhigan sidan:

1- Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta Mooto Bajaajta, Mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir.

3- Lama siin karo ruqsada wadista Mooto blBajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno.

4- Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan 2023 waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka ilaa ammar dambe.

5- Hir-gelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’addaha amniga dalka.

PUNTLAND POST