Taliyihii saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe oo la dilay

Alle ha u naxariistee, taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe laba xiddigle Axmed Cali Shire ayaa nin hubayan toogtay aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay oo la sheegay in uu isticmaalay maandooriyaha Khamriga.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, islamarkaana sharciga la hor-gayn doono.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha khamriga ayaa ku soo badana magaalada Garoowe, kuwaas oo sababa dhacdooyin amni-darro.

PUNTLAND POST