Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magacaabay laba Agaasime guud.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha.

Cawil Maxamuud Cali (Kabaweyne) ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sida ku cad Wareegtadan.

Cabdixakiin Axmed Jaamac ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iyo waraabka dowladda Puntland.

PUNTLAND POST