
Ciidamada Somaliland ayaa goor dhaweyd weerar culus jihooyin kala duwan kaga soo qaaday magaalada Laascaanood.
Weerarkaas kadib ayaa waxa bilowday dagaal xooggan oo ka socda saddex jiho kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC.
Dagaalka labada dhinac ayaa sida wararku sheegayaan hadda ka socda jihooyinka Isku-dhoonka, Agoomaha iyo jihada Maraaga.
Dagaalka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.