Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in hawlgallada ka socda dalka lagu dilay in ka badan 3000 kun oo Shabaab ah.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladaas sidoo kale lagu dhaawacay ilaa 3700 oo ka tirsan Al-shabaab.
Warbixinta wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in sidoo kale Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ciidamada kala duwan ee dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta ee heer degaan ayaa fuliyay hawlgallada sida lagu sheegay warbixinta.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.