Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sida la xaqiijinayo saaka aroortii weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka shabeellada dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saldhigaas ku dhex maray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Faahfaahin sugan weli lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac oo mudda saacado ah halkaas ka socday.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-shabaab midna weli kama hadlin khasaaraha dagaalka.
PUNTLAND POST