
Roobabka gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degsiimada Jalam oo ka tirsan degmada Buurtinle.
Roobabka ayaa la soo sheegaya in ay daadad xooggan ku soo rogeen degaankaas Jalam oo ku yaalla dhulka Hawdka ah.
Khasaare hantiyeed oo kala duwan ayaa la soo werinaya in uu ka dhashay mawjadaha daadka ah ee ku rogmaday halkaas.
Qaar kamid ah dadka degaanka Jalam ayaa sidoo kale noo sheegay in ay ku sugan yihiin xaalad khatar ah oo daadadka sababeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.