Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Guddiga oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ay soo bandhigeen tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleyda.

Dhanka kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada la dagaalanka Al-shabaab, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

PUNTLAND POST